Wiil Britain u dhashay oo ka dagaalamayay Suuriya oo is dilay

0

Wiil reer Britain ah oo ka dagaalamayay Suuriya ayaa is dilay si uu uga baaqsado in uu maxbuus u noqdo kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka, sida ay BBC u sheegeen ilo ka tirsan Kurdiyiinta.

Ryan Lock, oo 20 jir ah ayaa is dilay 21 Desembar markaas oo uu socday dagaal lagu qaaday magaalada Raqqa oo ay ku xoog badanyihiin kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka.

Si mutadawacnimo ah ayuu ugu dagaalamayay Ciidammada Kurdiyiinta ah ee qalabka sida ee magacooda loo soo gaabiyo YPG.

YPG ayaa BBC-da u sheegay in xabbaddu ay kaga taalay garka hoostiisa, taasina ay tilmaamayso is dilid.

Ilo ayaa BBC u sheegay in shan dagaalameyaal oo Dawladda Islaamka ka tirsan ay iska cabin adag ka sameeyeen tuulada Ja’bar ka hor inta aan la dilin.

Markii baaritaan la sameeyay ayaa la ogaaday in wiilka Britishka ah uu isagu is dilay ee raggaasi aysan dilin.

Warbixin ayaa sheegaysa in dhaawaciisu uu muujinayo in qoriga la saaray garka hoostiisa.