WARBIXIN FAAHFAAHSAN:- Cilladdii Internet-ka ee shalay oo sii jiri doonta todobaadyo kale!

0

Sharikadda Internet-ka ee EASSY,ayaa waxaa ay ka warbixisay cillad Internet-ka ah oo shalay sacaado kooban ka jirtay Qaaradda Afrika.

EASSY oo laga leeyahay Jasiiradda Madagascar,ayaa waxaa ay sheegtay in shalay ay dhacday cilladaas inta badanna ka jirtay Bariga,Koofurta iyo bartamaha Afrika.

Waxaa ay warbixinta ku sheegtay in at jug gaartay Fiilada keenta Internet-ka ee dhexmarta badda taas oo lumisay 2,60M  oo Awoodda Internet-ka ah,waxaana ay intaas ku dartay in shaqaalaheeda ay Habeen iyo maalin ka shaqeynayeen xallinta mushkiladdaas.

Sharikaddan EASSY Waddamada ay Internet-ka siiso waxaa ka mid ah South Africa, Mozambique, Tanzania, Kenya, Somalia, Djibouti iyo Sudan,waxaana si siman dhamaantood shalay ugu jiray cillad Internet-ka ah sida ay sheegtay.

Waddamada kale ee ay Internet-ka siiso ee ay arrintaas saameysay waxaa ka mid ah  Botswana, Burundi, the Central Africa, the Democratic Republic of Congo, Chad, Ethiopia, Lesotho, Malawi, Rwanda, Swaziland, Uganda, Zambia, iyo  Zimbabwe.

Sharikadda ayaa sheegtay in inkasta oo qeyb ahaan ay soo celisay Internet-ka haddana ay  Todobaadyo qaadan karto xallinteeda.

Cilladdan waa markii ugu horreysay tan iyo 2006dii, markii adeegga Internet-ka ee Fiber Optic ay gashay Jaziiradddaas billowdayna in ay u qeybiso Afrikada,waxaana ay markaas taageero $20 Milyan oo dollar ah kaga heshay Bangiga Adduunka.