Waa kuma Musharaxa ugu mudan in loo doorto Madaxweynaha xiga ee Somalia?

0

Suuqa kala iibsiga codadka Xildhibaanada ayaa saacadba saacadda ka dambeysa kor u sii kacaya, bixinta lacagaha loo adeegsanayo doorashada ayaa maraysa halkii ugu sareysay, balan qaadyada loo sameynayo Mudanayaasha Labbada Aqal ayaa iska soo daba dhaceysa, xilligii Foosha Madaxweynaha cusub ayaa maalin walba soo dhawaanaysa, wadnaha ayaa farta lagu wada hayaa, musharax kasta wuxuu labba jibaaray ololaha uu ku doonayo xilka Madaxweynaha loo wada ordayo.

Nacamleeyaasha ugu dhow musharaxiinta is-herdinaya iyo gacan-yarayaashooda waxey ku xiiqsan yihiin oo ka go’an sifo kasta ha ku timaadee sidii uu musharaxooda u guulaysan lahaa oo kaliya, Guri-ka-Guri, Hotel-ka-Hotel iyo Xarun walba oo lagu tuhmayo iney Xildhibaanada ku sugan yihiin ayaa si u ek Waali oo kale loo gar-garaacayaa si loola kala wareego aqyaarta cododka iska leh ka hor inta aan la gaarin maalinta kala baxa ee codeyntu dhaceyso.

Dhafar siyaasadeed iyo daal aan yareyn ayaa musharax kasta iyo hawl-wadeenadiisa ka muuqda, wallina legdenka dhacaya fari kama qodna, dagaalka siyaasadeed ee ka socda caasimadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho waa sii laba (2) lixaadsan doonaa illaa laga gaaro waqtiga ugu dambeeya ee dirirta lagu kala adkaado.

Ma-yara xil doonayaasha hadafkoodu uu yahay mar uun MADAXWEYNE I DHAHA, 24-musharax ayaa la xaqiijayay inay ku tartami doonaan hanashada xilka Madaxweynaha Wadanka, mid walba oo ka mid ah is maqiiqayaashaasi wuxuu isu haystaa inuu isagu yahay midka ugu mudan in loo doorto Hogaaminta Dalka.

Halku dhigyo macaan badan ayuu musharax walba astaan ka dhigtay sida inuu yahay qabyo tire, xasiliye, Nabad doone, Dal jecle, Diin daneeye, Dad horumariye, Cadaalad sameeye, Daacad u adeege, Dastuur illaaliye, xaq-soore, Waxbarasho abuure, Caafimaad kor yeele, Ciidan dhise iyo inuu u hawl galayo wanaag walba oo ay Soomaaliya ku Caana maalayso.

Doorashadaan ayaa noqonaysa tii ugu xiisaha iyo xamaasada badneyd ee abid ka dhacdo gayiga Soomaaliya, xaqiiqdii waxaa la isku waafaqsan yahay in doorashadaan ay si weyn uga horumarsan tahay qaababkii ay u dhici jireen doorashooyinkii horey loo soo marey.

Dareen ahaan indhaha dadka Soomaaliyeed iyo kuwa beesha Caalamkaba ayaa si wadajir ah ugu foorara sida ay u qabsoomi doonto doorashadaasi, Magaalada Muqdisho oo doorashadaani ay ka dhaceyso ayaa haatan waxey la ciir-ciiraysaa dad kuwii ugu faraha badnaa ee abid ay Magaaladu marti galiso.

Haddii qiimeyn dhab ah lagu sameeyo loolanka u dhaxeeya musharaxiinta uu Hunguriga kaga jiryo qabashada xilka Madaxweynaha Qaranka ayaa ruux walba waxaa u soo baxaya in tar-tanka ugu culus ee 8-da Febraayo dhacaya uu dhexmari doono dhowr musharax oo ah kuwa illaa hadda loo saadaaalinayo xilkan.

Ma qarsana musharaxiintaasi inay ku tashanayaan dhaqaale aad u fara badan, waxaa suuragal ah inuu doorashadaas ku soo baxo musharax aan ka mid aheyn kuwa loo saadaalinayo illaa hadda.

Musharaxiinta badankood ma laha wax rajo ah, hankooduna ma gaarsiisna iney madaxweyne noqdaaan, xitaa qaar waxaa ku jira aan magacooda horey loo maqal, dad badana waxay isweydiinayaan sababta ay lacagta faraha badan isaga qasaariyeen.

8-da Bisha Febraayo ayuu soo bixi doontaa geesigiiii ay libintu raacdo, rajo ahaan waxaa la filayaa doorashadaan oo ah mid la wada sugayo iney ku dhacdo hanaan aad u xiiso badan, dhaqan ahaan doorashooyinka caynkaan oo kale ah waxaa ku soo baxa qofkii uu ALLE nasiibka u siiyo ama ruuxii buuxiya jeebabka maran ee Xildhibaanada wax dooranaya, ma dheera maalinta doorashada sanka ayay inagu soo haysaa, la arki doonee sida ay wax u dhacaan.

C/llaahi Xasan Axmed (Shiikhaalow)

Muqdisho, Somalia