TOP DHAGEYSO:- Maxay Tahay Shaqada ay Berri Qaban doonaan Guddiga Doorashada Madaxweynaha ?

0

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay berri  oo Khamiis ah in ay bilaabaan dhageysiga Khudbadaha Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Musharaxiinta ayaa Jeedin doona Khudbado ay kaga hadlayaan waxqabadkooda.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in maalinta Khamiista ah Guddigu ay qaban doonaan shaqo weyn , islamarkaana xildhibanada ay dhageysan doonaan Khudbadaha Qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan Qabashada Xilka  Madaxweynaha Soomaaliya.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale Xusay in dhageysiga Khudbadaha Musharaxiinta ay soconayaan Muddo ku siman 3 Maalmood oo kala ah Khamiis , Sabti iyo Axad.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Ducaale beyle ayaa Rajo fiican ka muujiyay in doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ay dhacdo sideeda Bishaan oo ku beegan Arbacadda Soo socota.

HALKAAN KA DHAGEYSO