TOP DHAGEYSO:- Booliska Cadaado oo qabtay nin kufsaday gabadh 6 sano jir ah

0

Ciidamada Ammaanka Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegeen in ay baaritaan ay ku wadaan nin lagu eedeeyay in uu kufsaday Gabadh Lix sano jir ah sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska .

Taliye ku xigeenka Saldhiga degmada Cadaado Cumar Macalin ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan ninka lagu tuhmaayo in uu kufsaday Gabadh Yar oo ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada Ammaanka maamulka Galmudug.

Ninka lagu eedeeyay Falka kufsiga ah ayaa ku xiran Xabsiga Magaalada Cadaado.

Waxaa uu sheegay in Gabadha la dhibaateeyay ay garatay Shaqsigii dhibaatada geystay ka dib markii 30 nin lagu yiri kasoo dhex qabo.

Falkaan ayaa ka dhacay Guri ku yaalla duleedka Magaalada Cadaado, waxaana ay sheegeen Booliska Cadaado in ninkaasi Sharciga la horkeeni doono.

HALKAAN KA DHAGEYSO