Hooyo Soomaaliyeed oo Codsi Cajiib ah u dirtay Xaaska Donald Trump

0

Hooyo Xabiiba Maxamed oo bartamihii bishii hore ee January tegtay dalka Maraykanka ayaa ka codsatay Mawrada 1-aad ee Maraykanka, Melania Trump inay gacan ka geysato sidii ay ula midooni lahayd Gabadheeda oo ku jirta Xeradda Qaxootiga ee Kenya.

Hooyo Xabiiba iyo saygeeda oo haatan deggan Gobalka Georgia ayaa sheegtay inay kala xayirmeen gabadhooda oo 20-jir, taasi oo la filayey inay isbuucan u soo ambabaxdo Maraykanka.

Waxay ugu baaqday Marwada 1-aad ee Maraykanka, Melania Trump inay Saygeeda ku booriso sidii uu u qaadi lahaa Xayiraadda cusub ee uu ku soo rogay Qaxootiga.

Mar wax laga weydiiyey sababaha ay codsiga ugu dirayso Xaaska Madaxweyne Donald Trump, waxay sheegtay inay Marwada 1-aad tahay Hoooyo iyo inay og tahay jacaylka uu Waalidka u qabo carruurtiisa.

Hadalka Hooyada Soomaaliyeed ayaa ku soo beegantay iyadoo in ka badan 26,000 oo Qaxooti Somali ah oo Dib-u-dejin ka helay Maraykanka ay ku xayiran yihiin Kenya, kadib, markii uu Madaxweyne Donald Trump amar ki bixiyey inaysan Maraykanka soo geli karin dadka ka soo jeeda 7 dal oo Muslim ah oo ay Somalia ka mid tahay.