Amina Maxamed: “waa in la baaraa halka ay qabteen Codadka waddamada deriska”

0

Wasiiradda  arrimaha dibadda Dalka Kenya ayaa dalbatay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo halka ay u codeeyeen Waddamada deriska la ah Kenya ee ka qeybgalayay codbixintii Isniintii ka dhacday Adis ababa.

Amina,waxaa ay ku dodday in Waddamada Bariga Afrika ay Kenya lacag badan ku bixisay si ay iyada ugu codeeyaan hayeeshee doorashadii Guddoomiyaha Midowga Afrika uu ku soo baxay Wasiirka arrimaha dibadda dalka Chad.

Warkaas markii uu ka soo baxay Amina,waxaa si deg deg ah Jawaab uga bixiyay Waddamada Tanzania iyo Uganda,kuwaas oo sheegay in codkooda ay siiyeen Amina sidii ay horayba ugu ballan qaadeen laakiin cod bixinta looga adkaaday.

Waddamada ay durtay waxaa ka mid ah Burundi,Jabuuti,Tanzania iyo Uganda kuwaas oo intoodaba dhaca Bariga Afrika.

Madaxweynaha Kenya iyo ku xigeenkiisa Ruto,waxaa ay booqdeen 51 Dal oo ka mid ah 54-ka dal ee Afrika ay tageen xilligii ololaha dhamaanna ay ka aqbaleen in ay Amina u codeynayaan.

Amina waxaa codbixintii Isniinta dhacday kaga adkaaday Muusa Maxamed oo u dhashay Dalka Chad,kaas oo beddelay Guddoomiyihii hore ee Midowga Afrika Nkosazana Dlamini-Zuma oo u dhalatay Koofur Afrika ilaa 2012kiina xilkan heysay.