TOP DHAGEYSO:- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo ceebeeyey Trump,”Waa muhaajir Jarmal ah mana aha inuu saas ula dhaqmo dad lamid ah”.

0

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Eng Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa ka hadlay dhibaatada lagu hayo dadka muhaajiriinta ah ee kunool dalka Maraykanka oo Soomaalidu ugu horayso.

Eng Camey wuxuu sheegay in dalka Maraykanka lagu abuuray muhaajiriin ka tagtay dalalka reer Yurub, islamarkaana ay muhiim tahay in latixgeliyo dadka soo galootiga ah ee dalkaasi.

 

Dhanka kalena madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland ayaa sheegay in madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu qudhiisu yahay soo galooti asal ahaan ka soo jeeda dalka Jarmalka, loona baahan yahay inuu dhowro shuruucda caalamiga ah iyo kuwa dadweynaha Maraykanka.

HALKAAN KA DHAGEYSO