DHAGEYSO:- Guddiga Doorashada Soomaaliya Oo Ku Dhawaaqay In Gabi Ahaanba La Joojiyay Doodii Musharaxiinta.

0

Guddoomiyaha gudiga doorashada doorashada Dr C/raxmaan Ducaale Beyle oo gooreyd ayaa faah faahin marka hore ka bixiyay wax sababay in ay baaqato dooddii maanta qorshuhu ahaa in la qabto.

‘’Sida aan horayba u sheegnay jadwalka doorashadana ku qoran maanta waxey aheyd in la hergaliyo qeyb ka mid ah jadwalka doorashada oo aheyd in musharixiinta dadka hor yimaadaan su’aalo toos ahna la weydiiyo, labo qeybood ayaan u kala qeybinay musharixiinta oo kala ah 12 musharax in gallinka hore ka qeyb-qaataan doodda, halka inta kalana loo qorsheeyay in ay soo xaadiraan galinka danbe, waxaana soo ajiibay oo noo yimid 9 musharax, markii ay doodda wax xooggaa socotay ayaa ogaanay in Internetku laheyn awood uu ku gudbin karo doodda oo loo baahnaa in toos loo tabiyo, waan tan keentay in dooddii halkaa ku baaqato’’ ayuu yidhi guddoomiyaha gudiga doraashada.

 

HOOS KA DHAGEYSO