DHAGEYSO:- Golaha Musharixiinta Isbedel Doonka Oo Ku Dhagan Gudoomiye Ku Xigeenka Doorashada Senator Fartaag.

0

Musharixiinta Madaxweynaha ee Maanta isaga soo baxay Xarunta Golaha shacabka oo ay ka socotay dood furan oo loo qabtay musharixinta ayaa waxaa galabta shir jaraa’id magaalada muqdisho ku qabtay qaar kamid ah musharixiinta.

Musharixiinta waxa ay si kulul uga hor yimaadeen go’aankii ka soo baxay guddiga doorashada madaxweynaha oo lagu joojiyay doodii loo qaban lahaa musharixiinta madaxweynaha.

War-murtiyadeed ka soo baxay kulanka musharixiinta ayaa waxaa lagu sheegay in go’aanka lagu joojinaayo dooda uu markii hore ka yimid xildhibaanada baarlamaanka hadii la joojinaayana ay joojin karaa baarlamaanka federaalka soomaliya.

Musharaxiintan ayaa waxa ay warmurtiyeedkooda ku sheegeen inay u gudbin doonaan labada aqal dacwad ka dhan ah guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada xildhibaan C/hi Shiikh Ismaaciil Fartaag oo ay ku eedeeyen in uu la safanayahay mid kamid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha.

HOOS KA DAHGEYSO