Arday lagu soo oogay dacwadda weerarkii masaajidka Kanada

0

Booliiska dalka Kanada ayaa dacwad ku soogay arday asalkiisu Faransiis yahay oo dhalashada Kanada haysta kaas oo loo haysto lixdii ruux ee muslimiinta ahaa ee lagu dilay iyaga oo ku cibaadaysanaya masaajidka Quebec.

Alexandre Bissonnette ayaa wajahaya lix dacwadood oo dil ah iyo shan dacwadood oo isku day dil ah.

Wiilkan 27 jirka ah ayaa si kooban uga soo muuqday maxkamadda Quebec Axaddii isaga oo loo haysto weerarkii Axaddii dhacay Xarunta Islaamka ee Quebec.

Kanada oo dhan ayaa looga baroor diiqay dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkaas iyadoo shamacyo loo shiday.

In kabadan konton ruux ayaa jameecaadka cishaha ka qaybqaadanayay marka uu weerarku dhacay.

Sagaal iyo toban ruux ayaa ku dhaawacantay weerarkaas, dhamaantoodna rag ayay ahaayeen, shan ka mid ah ayaana wali isbitaalka ku jira oo dawayn u socotaa.

Mohamed Khadir oo reer Marooko ah oo weerarka loo qabtay ayaa hadda loola dhaqmayaa sidii goobjooge.

Booliiska Quebec ayaa shaaciyay magacyada dhamaan lixdii ruux ee dhimatay.

Azzeddine Soufiane oo 57 jir aha oo saddex carruur ah haystay, oo ahaa ganacsade kawaanle ah

Khaled Belkacemi oo 60 jir aha oo bare sare ka ahaa jaamacadda Laval University

Abdelkrim Hassen oo 41 jir ahaa oo saddex carruur ah dhalay, dawladda uyuu u shaqaynayay

Aboubaker Thabti, oo 44 jir ahaa, iyo labo ruux oo reer Gaana ah oo la kala dhoho, Mamadou Tanou Barry, 42 jir ahaa, iyo Ibrahima Barry oo 39 jir ahaa.