QM Iyo Uganda Oo Isku Raacay In Loo Baahan Yahay Dhismaha Aragtida Siyaasadeed Ee Qaranka Somalia.

0

Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni oo xalay kulan ku yeeshay Xarunta dhexe ee Ururka Midowga Africa ee magaalladda Addis Abeba ayaa ka wada hadlay Xaalladda Ammaanka ee dalalka Somalia, South Sudan, Burundi iyo Koongada Dimquraadiga.

Labada Mas’uul oo maanta ka wada qeyb geli doona Shirweynaha 28-aad ee Hoggaamiyayaasha Qaaradda Afrika ayaa waxay Kulankodoa si gaar ah diiradda ugu saareen Xaalladda Somalia, Hawlgalka AMISOM iyo Xilliga Kala-guurka ee Somalia.

Yoweri Museveni iyo Xoghayaha Guud ee QM, waxay isla qaateen baahida la xiriirta Dhismaha Aragtida Siyaasadeed ee Qaranka Somalia “The National Political Ideology”.

Dhinaca kale, Yoweri Museveni waxa uu ka codsaday Xoghayaha Guud ee QM in dalkiisa laga taageero xaalladda Qaxootiga ku sugan Uganda iyo in ay QM iyo Uganda qabanqaabiyaan  Shirweyne lagu taageerayo Qaxootiga, kaasi oo bisha March lagu qaban doono magaalladda Kampala.

Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres waxa uu shalay Kulan kale la qaatay Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo ay ka wada hadleen Xaalladda Somalia, Hawlgalka AMISOM iyo sidii loo xalin lahaa Khilaafka QM iyo Kenya ee Hawlgalka Nabad-ilaalinta dalka South Sudan.