Midowga Afrika oo dooranaya Guddoomiye cusub

0

Sida uu qorshuhu yahay Ururka Midowga Afrika ayaa maanta dooranaya Guddoomiye cusub, maadaama horey ay Doorashada dib uga dhacday July 2016-kii oo lagu waday in ay dhacdo.

Musharaxiinta u tartameysa xilkan ayaa waxa ay kala yihiin Amina Maxamed oo ah Wasiirka Arrimaha Dibbada Kenya, Pelonomi Venson Moitoi oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Butswana, Agapito Mba Mokuy oo ka socda Equatorial Guinea, Abdoulaye Bathily oo ka socda Dalka Senegal iyo Moussa Faki Mahamat oo ka socda Chat.

Musharax kasta oo ka mid ah 5-ta tartame, waxaa wareegga 1-aad laga rabaa 11 cod, iyadoo Musharaxii hela codadka ugu hooseeya wareegga 1-aad uu ka haraayo Doorashada.

Tartankii ugu dambeeyay waxaa la isla gaaray wareegga 3-aad, waxanaa ku tartamay Jean Ping oo u dhashay Gabon iyo Dr Dlamini-Zuma oo u dhalatay Koonfur Afrika hadana uu xilka ka dhamaaday.

Musharaxa kaliya ee ka socota Bariga Afrika waa Amina Maxamed, haddii ay ku guuleysatana waxaa ay ka dhigan tahay in qofkii ugu horeeyay ee ka socda Bariga Afrika uu xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika qabto Taariikha Ururka.

Sidoo kale waxaa jiri doona Doorashooyin kale oo la xiriira xilalka Midowga Afrika, waxaana ka mid ah xilalkaasi loo tartamayo kursiga Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika iyo Madaxa Siyaasadda ee Midowga Afrika, kuwaasi oo ay u tartamayaan xubno ka soo jeeda dalal kala duwan oo Midowga Afrika ka tirsan.

Doorashadan ayaa waxa ay ka dhici doontaa Magaalada Adis Ababa ee Dalka Itoobiya, sida ay horey u sheegeen Guddiga Qaban qaabada Doorashada.