FAAHFAAHIN:- Todobo Ruux oo lagu xir xiray Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo iyo Al-Shabaab oo la ogaaday inay ka dambeeyaan

0

Wararka laga helayo Tuulada Barwaaqo oo ka tirsan Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Gelinkii dambe ee Shalay Xarakada Al-shabaab ay ku Xireen illaa 7 Qof oo Labo kamid ah ay yihiin Haween.

Dadka ay Xir xireen Shabaab ayey ku Eedeeyen in ay wax ka ogaayeen Dilka Sargaal sare oo ka tirsan Shabaab oo lagu Magacaabi jiray C/llaahi Khanaas oo Ciidamada Dowladda ay ku Qaarajiyeen Tuulo Barwaaqo Shalay Gelinkii hore.

Dadka ku nool Tuulo Barwaaqo ayaa ka Cabsi qaba in Dad kale oo ku nool Degaanka Xarig loo geysto loona Xiro Falka dilka ah.

Shabaab ayaa dhowr jeer Dadka Shacabka ah ku xir xiray Goobaha ay Gacanta ku hayaan kuwaas oo ay ku eedeeyaan in ay Bixiyeen Xog ku aadan Arrimaha Shabaab