DHAGEYSO SHIR JARAA’ID:- Xeer Ilaaliyaha “ Go’aanka 2 Bisha Fabraayo ay gaareyso Maxkamada Hague ma noqon doono Midka ugu dambeeya"..

0

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo galabta Shir Jaraa id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa ka hadlay arrrimo ku saabsan muranka Badda ee u dhaxeeya Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya.

Xeer Ilaaliyaha ayaa Waxa uu sheegay in 2-da Bisha soo socota ee Febraayo ee sanadkan oo ku beegan maalinta Khamiista ah in Maxkamada Hague ay go aan ka gaari doonto in ay qaadi karto dacwada Muranka Badda ee u dhaxeeya Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya iyo in aysa qaadi Karin.

Sidoo kale Waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya mar walba ay diyaar u tahay Dacwadda in ay qaado Maxkamadda Hague, maadaama Maxkamad caalami ah ay tahay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in go’aanka Maxkamada Hague ay shaacin doonto Maalinta khamiista in uu yahay keliya mid lagu kala in Maxkamada Hague ay qaadi karto dacwada iyo in kale balse uusan noqon doono go’aanka ugu dambeeya ee laga gaarayo dacwada badda.

Sidoo kale Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in go’aan lagu farxo ay Maxkamada Hague khamiista soo saareyso, Waxa uuna sidoo kale sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan ka laaban doonin go’aankooda maadaama horay u dhici weysay in labada Dowladood ay ka heshiiyaan arrintaasi.

Hoos ka Dhageyso Shirka Jaraa id ee Xeer Ilaaliyaha:-