DEG DEG+DHAGEYSO:- Booliska Garoowe oo qabtay mid ka mid ah dhalinyaro kufsi ka geystay galdogob oo baxsad ahaa

0

Ciidamada Booliska Garoowe ayaa gacanta kusoo dhigay mid kamid ah dhalinyaradii kufsiga ka gaystay Magaalada Galdogob ee gobalka Mudug.

Wiilkaan oo lagu magacaabo Bishaar Cabdisamad Maxamed ayaa xalay saqdii dhexe laga soo qabtay xaafada 1-da agoosto ee magaalada Garoowe oo uu ku dhuumaalaysanayey.

Soo qabashada wiilkaan ayaa waxaa gacan ka gaystay gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida oo ay isku hayb yihiin.

Taliyaha Saldhiga Garowe dhame Maxamuud Muuse Bile oo goor dhow la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay inay xabsiga dhexe u gudbiyeen wiilkaan islamarkaana cadaalada lasoo taagi doono.

Bishaar Maxamuud Bile ayaa kamid ah 6-dhalinyaro ah oo kufsi wadareed ugu gaystay degmada galdogob labo gabdhood kuwaas oo shan kamid ah shalay xukun lagu fuliyey.

HALKAAN KA DHAGEYSO