Tahriibayaal badan oo la soo badbaadiyay

0

Ciidamada Ilaalada xeebaha Dalka Talyaaniga ayaa waxa ay sheegeen in ay soo badbaadiyeen ilaa 1,000 Qof oo Tahriibayaal ah kuwaas oo la socday Doomo duleela oo biyo ay soo galeen, waxaana Doomahaasi ay ka heleen Qof meyd ah.

Saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen in Dadkaasi Muhaajiriinta ah ee la badbaadiyay ay la kala socdeen 9 Doomood oo kala duwan, kuwaasi oo Lix ka mid ah ay ahaayeen Doomaha caaga ah, halka Saddexda kalena ay ahaayeen kuwa Al-waaxda.

Waxa ay sheegeen saraakiisha Dadkan in ay soo badbaadiyeen Ciidanka ilaalada xeebaha, kuwaasi oo sameeyay Howlgallo badbaadin ah, oo maalin socday.

Ciidamada ilaalada xeebaha Dalka Talyaaniga ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in dadkaasi ay ku wareejiyeen Doomaha gurmadka ah, lana geeyay xeebaha Gobolka Sii-shelis.

Sidoo kale Ciidamada faah faahin kama aysan bixin wadamada ay u kala dhasheen Dadkaasi la soo badbaadiyay.

Inta badan dadka ka imaanaya Afrika ee ka soo gudbaya Badda Madetarienka-ka ayaa waxa ay ka soo baqoolaan dalkaasi Libya, badankoodana waxa ay ka yimaadaan wadamada Afrika iyo Bariga Dhexe.

In ka badan 180,000 oo Muhaajiriin ah ayaa sanadkii hore waxa ay gaareen dalka Talyaaniga, taas oo aheyd tiradii ugu badneyd ee wadankaasi gaara.

Qarmada Midoobay waxa ay sheegtay in 5,000 oo Qof ay ku dhinteen Badda Madeterienka-ka, iyagoo u gudbayay dhinaca wadanka Yurub.