DHAGEYSO: Hirshabeelle oo xaalad deg deg ah ku dhawaaqday iyo wabiga Shabeelle oo guray

0

Maamulka Hirshabeelle ayaa waxa uu sheegay in guud ahaan Degaanadiisa ay ka jiraan Abaaro aad u daran, kuwaas oo saameeyay dadka iyo duunyada halkaasi ku nool.

Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa magacaabay Guddiga Gurmadka Abaaraha, si loo garab istaago dadka Abaaraha la ildaran, oo wax loogu qabto.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed oo qeyb ka ahaa wafdi kormeer ku sameeyay Abaaraha ka jira ka jira Degaanada Hirshabeelle ayaa ku baaqay in gar gaar lala soo gaaro dadka dhibaateysan.

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa dhankiisa sheegay wabiga Shabeelle oo guray dartii dadka iyo duunyada ay halis ugu jiraan dhimasho.