DHAGEYSO:- Culumaa'udiinka Caabudwaaq Oo Go'aano adag kasoo Saaray Dilalka sii Kordhaya + Maamul iyo Ciidan loo Sameynayo Caabudwaaq.

0

Kulamo Maalmihii ugu Dambeeyay Degmada Caabudwaaq ay ku yeesheen Culumaa’uddiinka Degmada Loogana Hadlyay Falalka Amaan Darrida ah ee kusoo Kordhay Degmada ayay kasoo Saareen Go’aano lagu adkeynayo Amaanka iyo is dhex galka Bulshada.

Degmada Waxaa Maalmihii dambe aad loo hadal hayay Dilalka Micna Darrada ee loo gaysanayo Dadka Rayidka oo ay ubadan yihiin Dadka aan u dhalan Deegaanka waxaana taasi ay keentay in Culumaa’uddiinka ay istaagaan kana Bilaabaan Masaajidda Wacyi Gelin ku saabsan ka Hor tagista Kooxaha wax maragatada ee dhiiga Islaamka Micna Darrada u daadinaya.

Qodobada ay soo saareen Culimada oo aad ubadnaa ayaa waxaa ugu Muhiimsanaa Seddex Qodob oo kala ah:

1- In la Sameeyo Maamul lagu wada Qanacsan Yahay

2- In la Abaabulo Ciidamo Deegaanka ah oo lasoo xulayo Dhamaan Beelaha

3- In Wadajir looga hortago Fitna wadayaasha Qalqalka Abuuraya.

Sidoo kale Culimada Waxay la Kulmeen Odayaal iyo Masuuliyiin kuwaas oo iyaguna soo dhaweeyay Dadaalka Culimada ay wadaan.

Waxaana Sidoo kale Baaq loo soo jeediyay Ganacsatada iyo Qurbajoogta, Kuwaas oo loogu Baaqay in ay Dhaqaale ku bixiyaan Dhisida Maamul deegaanka uu yeesho iyo mushaar lasiiyo Ciidanka magaalada loo sameeyn Doono.

Hadaba Fikirkaan wuxuu kasoo maaxday Macalin Bashiir Sheikh Xasan Mareexaan oo ka mid ah Culimada ugu waawayn Degmada, waxaana uu Goaanada ay soo saareen uga waramay Shabakadda Allgalgaduud Media.

HOOS KA DHAGEYSO

Wariye Cumar Siciid Cabdiraxmaan (Laki Man)
Xafiiska Warqabadka Allgalgaduud Media
Caabudwaaq, Soomaaliya

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media.