18 qof oo ku dhimatay duqeyn iyo weerar ka dhacay dalka Yeman

0

Wararka ka imaanaya dalka Yaman ayaa sheegaya in ugu yaraan 18 qof oo ka tirsan Al-Qaacidda lagu dilay weerar loo maleynayo in ay qaadeen ciidamo kumaandoos ah oo Mareykan ah.

Sidoo kale, weerarka aya waxaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen dad rayid ah.

Ilo wareedyo laga helay gobolka Al-Baida ayaa sheegaya in duqeyn dhanka cirka ah lagu bartilmaameedsaday guri ku yaala gobolkaasi.

Duqeynta kaddib, ciidamo saarnaa diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ayaa dhulka lagu soo daadiyay kaddibna waxa ay halkaa fuliyeen hawlgal.

Masaajid iyo guryo kale ayaa lagu soo waramayaa in sidoo kale la weeraray.

Cabdul-raauuf Al-Dhahab oo ah hoggaamiye ka tirsan Al-Qaacida ayaa ka mid ah dadka ku dhintay weerarkaasi.

Haddii la xaqiijiyo in weerarkan ay geysteen ciidamo Mareykan ah, waxa uu weerarkan noqonayaa kii ugu horreeyay intii uu Trump xilka la wareegay.