DHAGEYSO:- Dowladda Kenya “70 Al-Shabaab ah ayaan ku dilnay Weerarkii Shalay”

0

Dowladda Kenya ayaa waxa ay faah faahin dheeraad ah ka bixisay weerarkii isugu jiray Qaraxyada iyo midka tooska ahaa ee shalay lagu qaaday saldhig Ciidankooda ay ku leeyihiin Degaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday, ayaa yimid markii ay Shabaabku laba jiho ka soo weerareen saldhiga, ay Ciidamada Kenya ku leeyihiin Degaanka Kulbiyow.

Wasaarada Arrimaha Difaaca Dalka Kenya war qoraal ah oo ay soo saartay ayaa lagu sheegay subaxnimadii hore ee Jimcihii ee shalay in Ciidankooda ay iska difaacaan Maleeshiyaad ka tirsan Shabaab oo weerar ku soo qaaday.

“Koox ka tirsan Shabaab ayaa isku dayay in ay gudaha u soo galaan saldhigeena Kulbiyow, balse way ku fashilmeen, maadaama Ciidankeena oo diyaar ahaa ay Rasaas badan ku fureen.” Ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Difaaca Dalka Kenya.

Sidoo kale Wasaarada Arrimaha Difaaca Dalka Kenya ayaa sheegtay weerarkaasi in ay kaga geeryoodeen 9 Askartooda ah, halka 15 kalena ay kaga dhaawacmeen, iyadoo ku goodisay in weerarkaasi ay ku dishay 70 Shabaab ka tirsan.

Wasaarada Arrimaha Difaaca Dalka Kenya ayaa beenisay in saldhiga uu gacantooda ka baxay, waxaana ay sheegtay in Ciidankooda ay hada ku sugan yihiin Kulbiyow.

Hoos ka Dhageyso Codka:-