Guddoomiyihii deegaanka Kulbiyow oo ku dhintay dagaal ka dhacay Kulbiyow

0

Guddoomiyihii deegaanka Kulbiyow Maxamed Tooxyare Nuux ayaa ku dhintey weerar Alshabaab ay ku qaadeen deegaanka Kulbiyow waxana la sheegay inuu xilligii uu weerarka dhacayay ku sugnaa saldhiga ciidamada Kenya.

Wararka ka imanaya deegaanka Kulbiyow ayaa sheegaya in sidoo kale weerarkan ay ku dhinteen qaar ka mid ah ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland balse lama oga tirada dhabta ah ee lagu diley dagaalka ka dhacay Kulbiyow.

Mid kamid ah saraakiisha ciidamada dowlada ee ku sugan deegaana Kulbiyow ayaa xaqiijiyay dhimashada guddoomiyaha deegaanka Kulbiyow Maxamed Tooxyare.

Weerarka lagu qaaday saldhiga Kulbiyow ayaa ku billowday baabuur xamuul oo walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo saldhigga lagu qarxiyey, waxaana xigay rasaas xooggan iyo ciidamo dhulka ah oo weerar ku qaaday.

Sarkaal ka tirsan militariga dowladda Soomaaliya ayaa VOA u sheegay in diyaarad nooca la hago ah ay sawirtay dagaalyahanada Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday, kadibna ay ku rideen hoobiyayaal balse ay awoodi waayeen in ay joojiyaan.

Waxaa soo baxaya warar is khilaafsan oo ah tirada ciidamada Kenya ee lagu diley weerarkan waxaana wararkii u dambeeyay ee sheegayaan in ciidamada Kenya ay haatan ku sugan yihiin Saldhiga ay ku lahaayeen Kulbiyow.