DHAGEYSO:- Haweeneeydii u taagneyd Xilka Madaxweynenimo ee Dalka oo lagu dhagan yahay iyo Baarlamaanka Soomaaliya oo..

0

Diinta Islaamka ayaa si weyn uga soo horjeeda in Haweeney ay hogaamiye unoqoto dal muslin ah, laakiin barlamaanka Soomaaliya ayaa iclaamiyay in haweeney ay isku soo taagi karto xilka ugu sareeya dalka.

Inkastoo Gabdhaha Soomaaliyeed ay yihiin kuwa meelo badan ragga kaga horeeya tan iyo bur burkii dowladii dhexe, hadana dood xoogan ayaa ka taagan in gabar ay noqoto madaxweynaha Soomaaliya.

Barlamaanka ayaa meel mariyay in gabar utaagan xilka madaxweynaha Soomaaliya laga qaadi doono kala bar lacagaha kale ee musharaxiinta ragga ah laga qaadayo si ay madaxweyne unoqoto.

Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in diinta Islaamka ay kasoo horjeedo in gabar ay hogaamiyo dal muslim ah, waxaana ay sheegeen in arintan ay tahay mid gaalada ay ku doonayaan iney dalka ku fasahaadiyaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-