WAR DEG DEG:- Al-Shabaab oo Goob Fagaare ah Dad ku toogtay

0

Al Shabaab ayaa Gobolka Baay waxa ay ku toogteen saddex nin oo ay sheegeen inay ahaayeen Jaajuusiin la shaqeeya, Dowladda Federalka Soomaaliya, Dowladda Kenya iyo Dowladda Mareykanka.

Dilka ayaa ka dhacay degaanka Yaaq Baraawe oo ka tirsan Gobolka Baay, kadib markii fagaare ku yaalla halkaasi la soo dhoobay dadweyne badan oo daawanaayay qaabka dilka uu u dhacay.

Maxkamada Al Shabaab ee Gobolka Baay, ayaa raggaan dil ku xukuntay, kadib markii ay sheegtay maxkamada inay ku cadaatay dambiyada lagu soo eedeeyay ee jaajuusnimada ah.

Ragga ay toogteen Al-Shabaab ayaa waxaa lagu kala magacaabaa C/llaahi Daamey Maxamed Nuur oo 36 sano jir ah, kaasi oo Shabaab ay ku eedeeyeen inuu la shaqeynaayay Sirdoonka Mareykanka, Maxamed Shariif Cali 21sano jir ah oo ay sheegeen inuu la shaqeyn jiray Sirdoonada caalamiga ah ee ku sugan Magaalada Kismaayo iyo Max’med Iimaan Xasan oo 42 sano jir ah, kaasi oo ay ku eedeeyeen inuu la shaqeynaayay Sirdoonka Maamulka Jubbaland.