TOP NEWS+SAWIRRO:- Musharax War Culus ka soo saaray Tanaasulka Cali Maxamed Geedi iyo Waxa Doorashada ay ka dhigeyso

0

Musharax Cabduqaadir Cosoble waxa uu sheegey in Iscasilaada iyo tanaasul uu la yimid ProF Cali Maxamed Geedi ay Fududdeyneyso in Musharaxiin kale ay iyana Tanaasulaan maadaama musharaxiinta ay Yihiin Kuwa aad u Tira badan

“Walaalkeyga Cali Maxamed Geedi Is casilaadiisa ku aadan Tartanka Musharaxnimada Madaxweynaha waan so dhaweynayaa, waana mid ka qayb qaadaneysa in la Fududeeyo Tartanka Doorashada” sidaa  waxaa Yiri Musharax Cabduqaadir Cosble Cali Mar uu ka hadalyey Iscasilaada tartanka Doorashada Madaxweynaha

Musharax Cabduqaadir Cososble ayaa  ugu baaqay in ay iyanaga ku daydaan talaabada uu qaadey  Cali Maxamed si Doorashada si ay u noqoto mid si sahal ah ku dhamaato sidoo kale waxaa uu soo dhaweeyey Gudiga Doorashada oo uu sheegey in ay yihiin kuwa lagu Kalsoonaan kara oo muujin kara in ay dhacdo Doorasho Cadaalad ah .

Musharax Cabduqaadir Cosobe ayaa mar laga wareystey bal in uu sanadkaan uu ka muuqaan doono Doorashada ayaa yiri “Sannadkii 2012 Doorashadii dhacdey waxaa ka galey Musharaxiintii ugu dambeysey ee muujiyey Dadaal dheeraad ah Sannadkaana waxaan rajeynayaa mid ka wanaagasan midi hore “