Qarax galaaftay nolosha Zeyn oo siddeed jir ahaa

0

Qoyska reer Xuseen ayaa ka mid ah qoysaska tirada badan ee murugada ay soo wajahday kaddib qaraxii sabtigii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Parachinar ee woqooyi galbeed dalka Pakistan.

Qoyskan oo ah kan ugu saboolsan dadka deegaanka ayaa waxa uu ku tiirsan yahay Jamiil Xuseen oo ah muruqmaal ka shaqeeya magaalada Karachi iyo wiilkiisa Saabil Jamiil Xuseen oo 15 sano jir ah oo ka shaqeeya dukaan ku yaala Parachinar oo lagu iibiyo digaag.

Altaf Jamiil Xuseen oo 12 sano jir ah isla markaana ah da’da ka yar Saabil, waxa uu subax kastaa gaarigacan uu la aadaa suuqa khudaarta, halkaa oo uu ka kireeyo ganacsatada khudaarta ee doonaya in khudaarta loo geeyo dukaamadooda.

 

Saabil waxaa maalin kastaa suuqa u raaci jiray walaalkii oo siddeed sano jir ah oo lagu magacaabo Zain Xeydar oo suuqa ka soo uruurin jiray khudaarta bololka ah ee ay dadka ku tuureen suuqa gudahiisa, si qoyskiisa ay u cunaan.

Maalintii sabtiga ahayd, xilli Zeyn uu khudaar balool ah bac ku uruursanayay ayaa Altaf waxa u yimid qof ganacsade ah oo ka codsaday in uu alaab u qaado, taa oo uu ka yeelay basle waxa uu ka codsaday walaalkii Zeyn in uu halkaa ku sii sugo oo uu u soo laaban doono marka uu alaabta u qaado qofkan ganacsadaha ah.

Daqiiqado kaddib qarax ayaa suuqa ka dhacay, waxaana cirka isku shareeray qiiq, uuro, habaas iyo waliba firirka waxyaabihii suuqa lagu iibinayay.