Guddoomiyihii Sarriflayaasha Hargeysa oo saaka xabsiga ku geeriyooday

0

Wararka ka imanaya Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in saaka uu xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa ku geeriyooday Guddoomiyihii sarriflayaasha magaaladaas.

Guddoomiyaha Geeriyooday oo lagu magacaabayay Cabdullahi Cali Barre,ayaa waxaa shalay xabsiga dhigay Ciidanka amniga Somaliland kaddib markii isaga iyo tiro Sarriflayaal ah ay ka soo horjeesteen go’aan Xukuumadda Somaliland ka soo saartay lacagaha lagu qaato Taleefannada gacanta.

Warar hoose ayaa sheegaya in geerida Guddoomiye Cabdullahi ay sababtay saqafka Ilkaha oo u raacay Quraacdii ay u keeneen Ciidanka ilaalada Xabsiga uu ku xirnaa.

Waxaa la sheegayaa in mid ka mid ah Biraha ay ka sameysnaayeen ilaka ay u raacday Raashinka uu cunayay neeftana ku istaagtay halkaas oo uu ku geeriyooday isbitaalkii la geeyay.