Diwaan Gelinta Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxtinimada oo maanta bilaabaneysa

0

Diwaan Gelinta Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay Maanta ka bilaabato Magaalada Muqdisho.

Guddiga Qaban qaabada doorashada Madaxweynaha ayaa shaaciyay in diwaan Gelinta ay ka dhaceyso Maanta Xarunta golaha shacabka , waxaana ay bilaabaneysa 9:00 waxaana ay soconaysa 5:00 Galabnimo.

Diwaan Gelinta ayaa soconaysa 3 maalin oo kala ah Khamiis, Sabti iyo Axad.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo uu gudoomiye u yahay Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya aysan dhaafin doonin Waqtigii loo qorsheeyay oo ah in ay dhacdo Maalin Arbaco ah 8 Bisha February 2017.