DHAGEYSO WARBIXIN GAAR AH:- Suuqa Xoolaha Magaalada Caabudwaaq Iyo Saameynta Abaaraha..

0

Ugu Yaraan 200 neef oo ari ah ayaa Maalin walbo loo Iiib keenaa Suuqyada Xoolaha ee Magaalada Caabudwaaq kuwaas oo laga keeno Deegaano Qaarkood aad uga Fog Masaafo ahaan Magaalada.

Xoolaha ugu Badan ayaa laga keenaa Deegaano Miyiga ah oo dhaca Dhanka Ethiopia Waxaana ka mid ah Yamaarugleey, Isgoys, Cagaar-Wayne, Balli-Midgaan, Balli-Haraale, iyo Duuban Kuwaas oo Caabudwaaq ujira Masaafo udhaxaysa 120 ilaa 80 KM.

Xoolaha loo Iib keeno Suuqyada Magaalada Caabudwaaq ayaa ah kuwo ay ka Muuqato Raadadka Abaarta, waxaana lagu keenaa Gawaari kasoo Daabula Miyiga kuwaas oo Dadka Keensada aysan ku helin Lacago ay ku qancaan.

Wariyaheena Cumar Laki Man ayaa Booqday Qaar ka mid ah Suuqyadaas kadibna waraysiyo la yeeshay Qaar kamid ah Xoolalayda.

 

 

HOOS KA DHAGEYSO

Wariye Cumar Siciid Cabdiraxmaan (Laki Man)
Xafiiska Warqabadka Allgalgaduud Media
Caabudwaaq, Soomaaliya