DHAGEYSO HADAL XASAASI AH:- Musharax Madaxweyne Faroole oo arimo Xasaasi ah ka hadlay“Muqdisho cida u badan waa la yaqaan”

0

Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) ahna Musharax u taagan qabahsada xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kana mid ah xubnaha Aqalka Sare ayaa waxa uu sheegay in ay dhiseen Labada Gole ee Dowladda, sidoo kalena ay hirgeliyeen Federaalka, hadana ay u taagan yihiin in ay dhisaan Dowlad rasmi ah.

Waxa uu sheegay Dowladda imaaneysa in ay tahay Dowlad dib u heshiisiineed cid kasta haku guuleysatee, isagoo sidoo kale sheegay in ay tahay Dowlad Midnimo Qaran, oo aysan aheyn koox gaar ah oo is magacowday.

Faroole ayaa waxa uu sheegay Dalka sanadkan in ay ka dhacayaan Doorshooyin Taariikhi ah, maadaama ay ka bedelan tahay Doorashooyinkii horey dalka uga dhici jiray.

C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland ayaa sidoo kale waxa uu sheegay Magaalada Muqdisho in ay aheyd magaalo la wada degan yahay oo Qaran, balse lagu kala guuray, hadana ay u badan tahay cid gaar ah, sida uu sheegay.

Hadalkan ayuu ka sheegay C/raxmaan (Faroole) xilli uu xalay ka qeyb galayay Munaasabad casho sharaf ahey oo xalay ay u sameeyeen Maamulka Gobolka Banaadir, taas oo ay ka qeyb galeen Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Dowladda, Saraakiil Ciidan, Gudoomiyeyaal Degmo iyo marti sharaf kale.

HALKAAN KA DHAGEYSO