TOP DHAGEYSO:- Jawaari " Lacagta Laga Qaadayo Musharixiinta Madaxweyne 50% Waxaa Loogu Yaboohayaa Dadka Abaaraha Saameeyeen".

0

Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya labada aqal oo maanta kulan kuyeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay isku raacayn in dhaqaalaha laga qaadayo musharxiinta u tagan qabashad Xilka Madaxweynaha Boqolkiiba kontan loogu Deeqo Shacaba Abaaraha ay saameeyeen.

Gudoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed shiikh Cismaan Jawaari uu dhinac Fadhiyay Gudoomiyaha Xildhaibaanada Aqalka Sarae Cabdi Xaashi Cabdullaahi.ayaa xildhibaanada u soo badhigay talo soo jidinta ku aadan in dhaqaalaha laga qaado musharaxiinta lagu shacabka Soomaaliyeed.

Jawaari ayaa xildhibaanada ka codsaday in ay qaab Gacantaag ah ay ugu Codooyaan in dhaqaalaha laga qaado musharxiinta boqlkiiba kontan lagu caawiyo shacabka Soomaaliyeed intaasi kadibna xildhibaanada ayaa cod Gacantaag ah ku ogalaaday Tala soo Jeedinta Gudoonka labada aqal ee Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso