DHAGEYSO+SAWIRRO:- Wasaarada Amniga Oo Shaacisay Khasaaraha Ka Dhashay Weerarkii Hotel Dayax Iyo Raggii Fuliyay Sawirradooda…

0

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Qaraxyadii Maanta ka dhacay Hoteelka Dayax ayaa sheegtay in ay ku dhinteen 10 qof ,50 kalena ay ku dhaawacmeen.

Wasiirka Wasaarada Amniga dowladda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Qaraxyada ay isugu jireen Weerar toos ah iyo sidoo kale Qaraxyo loo adeegsaday Gawaari.

Waxuu sidoo kale sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku guuleysteen in ay soo Afjaraan weerarkaasi.

Dhinaca kale  Wasiirka Amniga DF oo saxaafada ku hadlay Hotelka ayaa sheegay in debleyda Weerarka qaaday ay ahaayeen 4 ruux kuwaas oo ay toogteen Ciidamada Amniga.

Hoos ka Dhageyso Codka:-