DHAGEYSO:- Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya oo ka hadlay Xaalada degmada Afgooye

0

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay dagaallada kusoo laablaabtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka  Amniga gobolka Shabeelaha Hoose  Cali Nuur Maxamed ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay maalinba maalinta ka dambeysa ay dib usoo guranayaan , islamarkaana Degmada Afgooye ay noqotay Difaaca koowaad.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed aysan qaadan mushaar ,islamarkaana aysan suurgal aheyn in ay difaacaan dalka, oo ay ka hortagaan weerarada Al-Shabaab ay kusoo qaadayaan degmada.

Al-Shabaab ayaa weeraro khasaare badan dhaliyay waxaa ay ku qaadayay bilihii lasoo dhaafay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in sababta sahleysa in ay Al-Shabaab ay hadba isku dayaan in ay qabsadaan Magaalada in ay tahay mushaar la’aanta ciidanka dowladda.

Hoos ka Dhageyso Codka:-