DHAGEYSO:- Maamulka Jubbaland Oo Ka Hadlay Markab Siday Shixnad Hub Ah Oo Lagu Qabtay Kismaayo.

0

Markabkan oo urarnaa ganacsato Soomaaliyeed ayaa markii laga dejiyay bagaashkii ganacsatada Soomaaliyeed la arkay inuu wado rar kale oo laga shakiyay aadna loo soo qariyay.Shaqaalihii markabka ayaa lagu qasbay inay furaan Rarka markabka saaran kadibna waxaa lagu arkay shixnad hub ah oo ka kooban bastoolado kaliya.

Waxaa la sheegay in markabku waday ilaa iyo 6 kun oo bastooladood oo kaartoomo kujiray.Wareysi lala yeeshay kabtankii Markabka oo u dhashay dalka Suuriya ayaa sheegay in shixnadan hubka ah ay usocotay dalka Suudan.

Xog kale ayaa sheegaysa in hubkani kayimid Eritrea loona waday Suudan halka warar kale ay sheegayaan in shaqaalaha markabku sheegeen in hubkan dhexda laga soo saaray ilaa iyo hadana la garan la’yahay halka iyo jihada hubkan loo waday.

Markabka ayaa kasoo shiraacday Imaaraadka waxaana soo kiraysatay ganacsato Soomaaliyeed oo bagaashka ka beec mushtara, Waxaana markii hore la sheegay in Markabku wado baco iyo bustayaal transit ku ah Sudan.Shixnadan lagu sheegay bacyaha iyo bustayaasha ayaa kolkii la baadhay lagu arkay kaartoomo ay ka buuxaan bastoolado.

HOOS KA DHAGEYSO