Wiil yar oo 15 jir ah oo lagu dilay magaalada London

0

Wiil 15 jir ah ayaa lagu tooriyeeyay oo lagu dilay wado London ku taalla

Wiilka oo dhaawac ah ayaa laga helay Doyle Gardens, Willesden Isniintii.

Shaqaalaha gawaarida gurmadka degdega ah ayaa wiilka ku daweeyay isla goobtii lagu tooriyeeyay, ka hor inta aysan isbitaal u sii qaadin halkaas oo markii dambe la sheegay in uu ku geeriyooday.

Booliiska baaritaannada ku sameeya dilalka ayaan wali shaacinin aqoonsiga wiilka, laakiin waxay sheegeen in ay war geliyeen qoyskiisa.

Qofna looma qabanin dilkan laakiin waxaa la baadi goobayaa dadkii goobjoogeyaasha ahaa.