Shiinaha oo si caro leh ugu jawaabay Mareykanka

0

Shiinaha ayaa sheegay inaan muran la gelin karin lahaanshihiisa qeybo ka mid ah Koonfurta Badda Shiinaha ka dib markii maamulka Trump uu wacad ku maray inuu ka hor istaagi doona Shiinaha inuu qaato aag biyoodka lagu muransan yahay.

Wasaraadda arrimaha dibedda ee Shiinaha ayaa sheegtay in Beijing ay ka go’antahay inay “difaacdo xaquuqdeeda lahaanshaha deegaandaasi”.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ee dalka Mareykanka, Sean Spicer ayaa Isniintii sheegay in Mareykanku uu ka shaqeyn doona ilaalinta danihiisa ee gobolkaasi.

” Haddii jasiiradahaasi ay ku dhexyaalaan biyaha caalamiga ah oo uusan Shiinuhu si gaar ah u lahayn waxaan hubin doonaa in aan la qaadanin”, ayuu yiri afhayeenka Aqalka Cad oo aan faahfaahin dheeraad ah bixinin

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda ee Shiinaha, Hua Chunying ayaa sheegay in Shiinuhu ay ka go’antahay in dalalka ay khuseyso muranka lahaanshaha badda uu wadahdal kala yeesho arrintaasi. Wuxuu intaasi ku daray in Mareykanku uusan ka tirsanayn dalalkaasi.