Fannaaniin Ka Tirsan Xiddigaha Geeska Oo La Filayo Inay Bandhig Faneed Ka Dhigaan Muqdisho.

0

Fannaaniintaasi oo ay ka mid yihiin Yurub Geenyo iyo Asma Love ayaa la filayaa inay Bandhig-Faneed dhigaan bartamaha bisha soo socota ee February.

Xildhibaanad Khadiija Maxamed Diiriye ayaa soo dhaweysay Fanniintaasi haatan ku sugan Muqdisho.

Kooxda Xiddiga Geeska waxay Taageerayaal  badan ku leeyihiin magaalladda Muqdisho, inkastoo Kooxda oo uu fadhigoodu dhexe yahay magaalladda Hargeysa, haddana Maamulka Somaliland waxay cadaadis ku saaraan Fannaaniinta Reer Hargeysa inaysan u socdaalin Muqdisho iyo inaysan ka dhigi karin Bandhig Faneed.

Maamulka Somaliland waxay  dabayaaqadii bishii September ee sanadkii 2015-kii Xabsiga dhigeen Fannaaniin ka tirsan Kooxda Xiddigaha Geeska, kuwaasi oo Bandhig Faneed ka dhigay Muqdisho.

Fannaaniintaasi oo dhowr maalin lagu hayey Xabsiga Hargeysa ayaa kala ahaa; Nicmaan Hilaac, C/raxmaan Oday, Maxamed Axmed Bakaal Cirro” iyo Xamda Queen.