Ciidamada Uganda ee jooga Somalia oo mushaar la’aan ay haysato 4-bil

0

Wasaaradda Difaacca Dalka Uganda aya sheegtay in ciidamdeeda ku sugan dalka Soomalia aysan wax Mushaar ah aadan Afartii Bilood ee lasoo dhaafay.

Hadalka Wasaaradda Difaaca Ugandha ayaa kusoo aadaya iyadoo maaalmihii lasoodhafay Qaar kamid Dowladaha Ciidamdu ka Joogaan Soomaliaya ay kasoo baxeeysay Cabasho ku aadan In Ciidamadooda ka Qeeybqaadana Nabad ilaaalinta Soomaaliya aysan hellin Wax Mushaaraad ah.

Dowladaha Cabashadda ugu Balaaran ka Muujiyay Mushaar la’aanta Heeysata ciidamadooda waxaa kamid ah Dowladaha Burubdi iyo Kenya, Iyadoo doowladda bururndina ay Dhowr Jeer ku Goodisay in ay Ciidamadeeda Soomaliya kala Baxeeyso, ugu Dambeeyntiina sheegtay in ay Bilaabeeyso Talabo ay ciidamadeeda ugala Baxeeyso Soomaliya inkastoo Howlagalka AMISOM uu sheegay in Xal laga Gaaray Cabashdii Doowladda Burundi oo aysan Ciidamadeeda kala Baxeeynin Soomaliya.

Kusimaha Xoghaya Gashaandhigga Uganda Edith Buturo ayaaa Guddiga Baarlamaanka Uganda u Qaabilsan Arrimaha Gaashaandhigga u sheegay in ciidamadda Uganda ee ka Qeeyb qaadanaya Howl galka AMISOM aysan Wax Mushaaraad ah Qaadan Afartii Bilood e Lasoo dhaafay.

Ciidamadda ugu Badan ee Howlgalka Midow Africa ee Soomaaliya Qeeybta ka ah waa Ciidamadda Dalka Uganda Mushar la’aanta Waqtigaan ciidamadd ku Timidna Waxaa ay ka Dhigan tahy Gaabis ku Yimid Howlgalka AMISOM.