XOG:- Damu Jadiid Oo Ka Shiray Xaalada Cakiran Ee Galmudug Iyo Xil Ka Qaadistii Cabdikariin Xuseen Guuleed.

0

Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyadeena ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in horjoogeyaasha ururka Damu Jadiid ay ka shireen xaalada cakiran ee maamulka Galmudug iyo xil ka qaadistii Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Warkan yaa intaasi waxa uu ku darayaa in Horjooogeyaasha ugu waa weyn ururka Damu Jadiid ay ka shireen xaalada Cakiran ee Galmudug go’aana ku gaareen in xiligaan aysan wax faragalin ah ku smaeeyn xaalada cakiran ee galmudug maadaama uu uga baxayo qarash xoog badan.

Ilo wareedyadeena ayaa sheegay in Horjoogeyaasha ururka Damujadiid ay shirkoodan ku go’aansadeen in arrimaha Galmudug la faragaliyo kadib doorashada Madaxweynaha haddii uu kusoo baxo ama uu ku guuleysto Xasan Sheekh Maxamuud inta ka horeysana ay dusha ka daawadaan.

Dhinaca kale Ilo wareedkeena ayaa inoo xaqiijiyay haddii uu Xasan Sheekh ku guuleysan ama kusoo bixi waayo doorashada soo socota ee Madaxweyenenimo in ay kula taliyeen in Cabdikariin Xuseen Guuleed uu sidaa uga haro arrimaha Galmudug, haddii Xasan kusoo baxana ay ku celin doonaan booskiisa.

Isku soo wada duuboo waxaa la saadaalin karin sida uu Xasan Sheekh Maxamuud dib ugu soo laaban doono xilka Madaxweynenimo, waxaana sidoo kale la saadaalin karin sida uu Cabdikariin Xuseen Guuleed uu dib dambe Madaxweyne uga sii ahaan doono maamulka Galmudug.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media.