FAALLO:- Loolanka Murashixiinta Xilka Madaxtinimada Iyo Dhamaystirka Geeddiga Doorashadda Qaranka.

0

Doorashadda Xildhibaanadda iyo Guddoonka Sare ee Labada Aqal ee BFS ayaa laga faraxashay, inkastoo ay weli jiraan Cabashadda iyo Dhaliilaha ku aadan Nidaamkii wax loogu soo doortay Maamul-gobaleedyadda.

Waana hubaal inay jiraan Xildhibaano shaki ku jiro qaabkii ay ku soo gudbeen, waana dareen muuqda in Doorashooyinkaasi u wada dhicin si Hufan oo Xalaal ah.

Beesha Caalamka ayaana si mutuxan u sheegtay qaldaadkii Musuqa, Hanjabaadda, Cod-iibsashadda, Xarigga iyo Cabsi-gelinta qaar ka mid ah Murashixiinta oo lagala wareegay Kuraastii ay ku tartamayeen.

Calawsnanantaasi waxaa malaha lagu nisbeyn karaa xeelladaha Dahsoon iyo Wada-shaqeynta Kooxaha Siyaasadda iyo Maamul-gobaleedyadda, oo iyagu la rumeysan yahay inay u ololeeyeen sidii ay ku soo bixi lahaayeen Murashixiin ay Jaal-siyaasadeed ama Ehel hoose yihiin, waana Nidaam aysan Siyaasiyiinta Soomaalida weli ka garaad korin Nidaamka noocaasi ah.

Inkastoo Doorashaddii ka dhacay Maamul-gobaleedyadda lga wda qeyliyey ayaa waxaa haddana wax lagu farxo ah qaabkii ay u dhacday Doorashadda Guddoonka Sare ee Labada Aqal, iyadoo shalay la soo gunaanaday Doorashadii Hoggaanka Aqalka Sare ee Barlamaanka.

Marka laga muuqaal qaato Masraxa Barlamaanadda Caalamka, waa Gole loo xulo Siyaasiyiin Odayaal ah si ay u noqdaan Senators, balse, Xildhibaano da’ yar ayaa ku badan Aqalka Sare ee dalkeenna, malaha waxaa taasi ugu wacan Nidaamka Aqalka Sare oo ku cusub dalkeenna.

Aragti Loo-qaateen ah ayaa muujinaysa in sababaha Aqalka Sare loo unkay tahay si ay Maamul-gobaleedyadda miisaan ugu dhex yeeshaan BFS iyo Hawlaha Golaha Fulinta ee Xukuumadda Federalka iyo  in ay Xilddhibaanadda Aqalkaasi noqdaan Wakiiladda Joogtadda ee Maamul-gobaleedyadda ku leeyihiin Barlamaanka Qaranka.

Haddaba, iyadoo haatan meel xasaasi marayso Geeddiga Doorashadda, waxaana socda Ololaha Doorashadda Madaxtinimadda oo ay ilaa 20-Murashax u taagan yihiin.

Ilaa hadda ma cadda maalinta rasmiga ee ay Doorashadaasi dhici doonto, balse waxay Murashixiinta wadaan Ololahoodii ugu dambeeyey ee Xodxodashadda Xildhibaanadda iyo Ballan-qaadyadda xilalka dufanaysan ee Dowladda soo socota.

Murashixiinta ka soo kala jeeda Koox-siyaasadeedka isku yaqaana Ala-sheekh iyo Damul-jadiid ayaana u muuqda kuwa ugu firfircoon Doorashadda, waxayna galangal badan ku dhex leeyahay Xildhibaanadda Labada Aqal.

Si kastaba ha ahaatee, Murashax kasta oo loo doorto Madaxweynaha 10-aad ee JFS waxa uu wajahi doona culyasyo badan, Siyaasad Cakiran, Gole kala Afkaar ah iyo Deganaansho La’aanta baahsan.