DHAGEYSO:- Musharixiinta Xilka Madaxweyne Oo Ay Faraxd Galisay Doorashada Gudoonka Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi..

0

Musharax Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo u taagan qabashada Xilka Madaxtimo ee Dalka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay Doorashada Guddoonka Aqalka Sare iyo Ku Xigeenadiisa.

Musharax Madaxweyne Cali Ameeriko ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay sida mas’uuliyada ku dheehsan ee Xildhibaanada ay u doorteen Guddoomiyaha Aqalka Sare, Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdulaahi.

Musharax ayaa xusay in Xubanaha maanta la doortay ay yihiin kuwa muddo siyaasad ku dhex jiray, islamarkaana badbaadin kara Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Musharax Cali Ameeriko waxuu shaaca ka qaaday in Guddoonka Aqalka Sare looga baahan yahay in ay badbaadiyaan Dalka.

Sikstaba, Musharax Madaxweyne Cali Ameeriko ayaa waxuu noqonayaa Musharaxii ugu horeeyay ee soo dhaweeya Doorashada Guddoonka Aqalka Sare iyo labadiisa Ku Xigeen.

HOOS KA DHAGEYSO