Xildhibaano Cusub oo Muqdisho lagu dhaariyay

0

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta KMG ee Aqalka Sare waxaa ka socota Munaasabad Khudbadaha looga dhageysanayo Musharaxiinta u tartameysa Xilka Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Sidoo kale Kalfadhiga koowaad kulankiisa Afaraad ee xubnaha Aqalka Sare ayaa furmay, waxaan maanta la filayaa in la soo gaba gabeeyo dhegeysiga Khudbadaha musharrixiinta ku tartamaya Guddoonka Aqalka Sare.

Kalfadhiga furmay oo ay soo xadireen 33 xildhibaan, ayaa waxaa lagu dhaariyay Saddex xildhibaan, sida uu soo sheegayo wariyaha Risaala ee ku sugan xarunta Aqalka Sare.

16 Musharax ayaa u taagan qabashada Xilka Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya 7 ka mid ah waxa ay u tartamayaan Xilka Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad, halka 2 ka mid ah ay u tartamayaan Xilka Guddoomiyaha Aqalka Sare, 7 kalena waxa ay u tartamayaan Xilka Guddoomiye Ku Xigeenka labaad.

Maalinta Berri ah oo Axad ah ayaa lagu wadaa in ay dhacdo Doorashada Guddoonka Aqalka Sare iyo ku xigeenadiisa.