Warbixinta Hay'adda CRDC Ee Dalka Itoobiya Oo Lagu Sheegay In Safiirada Beesha Caalamka ee Jooga Xalane Ay Noqdeen Qabiil Ka Tirsan Soomaaliya.

0

Warbixin ay soo saartay xarunta Wada-xaajoodka, Cilmi-Baarista iyo Iskaashiga (Centre for Dialogue, Research and Cooperation (CDRC) ee xarunteedu tahay caasimadda dalka Ethiopia ee Addis-Ababa, ayaa lagu sheegay in beesha caalamka ay ka mid tahay qabaa’ilada Soomaaliya.

Hay’adda CDRC ayaa waxa ay la shaqeysaa wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia, waxaana guddigeeda agaasinka ku jira wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Ethiopia Seyoum Mesfin.

Beesha caalamka waxa ay siyaasadda Soomaaliya ugu biirtay sida qabiil dibedda ka yimid oo kale, waxayna ku howlan tahay inay Soomaaliya ka abuurto xal ay dib ugu usoo celineyso muuqaalkii Soomaaliya, ayey tiri warbixinta.

Hase yeeshee, ayey warbixinta ku dartay, waa in dadka Soomaalida ah loo daaya inay ayaga xalkooda abuurtan sida ugu habboon.

Warbixinta ayaa ku eedeysay beesha caalamka inay mar walba cambaareyso dowladda Soomaaliya iyo nidaamka qabiilka ku dhisan ee wax lagu qeybsado ayada oo ula dhaqmeysa xaaladda Soomaaliya mid caadi, balse xaqiiqda ay tahay in xaaladda Soomaaliya ay caadi ka baxsan tahay.

Beesha caalamka waxa ay ku mashquulsan tahay wixii Soomaaliya ka dhici lahaa, ayada oo aanay u muuqan waxa iminka socda iyo sidii Soomaaliya looga caawin lahaa sida ay horey ugu dhaqaaqi lahayd, sida lagu sheegay warbixinta CDRC.