Qodobo ka soo baxay Shirkii Kulanka Xiriirinta Heer Qaran ee Qorshaha Qaranka ee Dabargoynta Tacadiyada Jinsiga

0

Kulankan oo ah mid ay ka soo qeybgaleen Hay’addaha Xukuumadda Federaalka Somaliya gaar ahaan kuwa muhiimka u ah Qorshaha Qaran ee dabar-goynta Tacadiga Galmada, Ururada Bulshada Rayidka ah, Culimaa’udiinka, Dhalinyaradda, Haweenka qaar ka mid ah wakiilada Maamul goboleedyadda gaar ahaan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed iyo Ururka Naafada Somaliyeed.

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo kulankaasi soo qaban qaabisay ayaa sheegtay Ahmiyada kulanka uu Bulshada u leeyahay.

Agaasimaha Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdi Qani, ayaa sheegay muhiim inay tahay qodobada ka soo baxay kulanka.

Waxaa kamid ah qodobadii ka soo baxay:

  • In Dowlada Federaalka Somaliya ay ansixiso, una diyaariso qorshaha dhaqan-galinta iyo baahinta Sharciga Baabi’inta Tacadiga Galmada .
  • In si guud loo qeexo in aan loo dulqaadan doonin inuu dambiiluhu helo gabaad si loo baaro kuwa lagu soo eedeeyay xadgudubyada iyo in la hubiyo in dambiilaha uu marayo ciqaab iyadoo la marinayo habka garsoorka dambiyadooda.
  • In lagu tababaro dadka nugul sida ay isaga difaaci lahaayeen xadgudubyada genderka gaar ahaan kuwa galmada.
  • In Hay’adaha Amniga iyo Cadaaladda gaar ahaan booliiska ay xooga saaraan cadaalad u sameynta Haweenka iyo Carrurta tacadiga kufsiga ku dhacay.
  • Ayadoo la sameynayo qorshaha amaanka iyo xasiloonida dalka waa in la qaabeeyo qayb booliska ka mid ah oo u xilsaaran iney diiradda saaraan baahida haweenka, iyo sidoo kale in la hubiyo in lagu tababaro ciidamdada booliiska ka hortaga.
  • In maamul goboleedyada laga shaqaaleeyo lana tababaro saraakiil haween boolis ah si ay uga qeyb qaataan dadaalada lagu hubinaayo in amniga Qaranka uu u dhamestiran yahay agab looga hortagayoislamarkaana looga jawaabayo tacdiyada galmada.
  • Waa in mamul goboleedyada iyo dowlada federaalka ay is waafajiyaan Siyaasadaha iyo Sharciyada looga hortagayo xadgudubyada Galmada.
  • Doowlada waa inay diirada saarto wadaaga wararka kusaabsan tacadiga ka dhanka ah Galmada (Sexual violence Data system).
  • Waxaa lagama maarmaan ah in tababaro culus iyo wacyigelin xoog leh laga sameeyo dhanka oday dhaqameedyada ku dhameeyo tacadiga galmada xeerarka aan waafaqsaneyn Shareecada Islaamka.
  • Keesaska dumarka dhinaca tacadiya waxaa lagama marmaan ah in ay helaan qeybo gooni u ah waqtiga la dhageysanayo dacwoyinkooda si loo ilaaliyo sirta uu sheego dhibanaha (confidential)
  • Dowlada waa iney diyaarisaa sharciga caruurta ee heerarka xabsiyada si ay uga badbaadaan tacadiga Kufsiga (Juvenile justice act) • Waa in Wacyigalinta la balaariyo si loo gaaro in waalidiintu ay guryaha ka soo saari karaan dambiilayaasha, si loo helo cadaalad wada gaarto Qoysaska.
  • In la xoojiyo kulamada Heer Qaran iyo heer federal ee xiriirinta kulamada qorshaha qaran ee dabar goysta tacadiga galmada.
  • Waa in dowlada ay ku baahisaa gobolada dalka adeegyada xarumaha lagu daryeelayo dhibanayaasha tacadiyada genderka (GBV stop centers and Safe Houses)