Guddoomiyaha Baarlamaanka oo War Farxad leh u sheegay Musharax Madaxweyne Farmaajo, Hal arrina ka Codsaday

0

Musharaxa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa helaya taageero xoogan si uu unoqdo madaxweynaha Soomaaliya.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa isbahaysi siyaasadeed la sameeyay qaar kamid ah musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya si ay isaga kaashadaan codadka ay helayaan.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Warqaad.com ayaa sheegaya in Maxamed Farmaajo uu xariir lama filaan ah la sameeyay gudoomiyaha cusub ee barlamaanka Soomaaliya Prof Jawaari.

Wadahadalkan dhexmaray Jawaari iyo musharax Farmaajo ayaa waxaa ay uga hadleen arimaha xasaasiga ah ee dalka gaar ahaan Farmaajo ayaa ka dalbaday Jawaari inuu ku taageero doorashada.

Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Jawaari ayaa taageero xoogan umuujiyay musharax Farmaajo isagoo usheegay inuu kala shaqeyn doono sidii uu codadka xildhibaanada uheli lahaa.

“Farmaajo waxaa uu taageero ka helayaa Jawaari, waxaana uu ku qanciyay inuu doonayo in dalka uu hormar gaarsiiyo’sidaas waxaa Warqaad.com usheegay xubin katirsan xafiiska ololaha musharax Farmaajo.

Dhawaan gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay xildhibaanada qaranka iney shacabka Soomaaliyeed ugu daneeyaan iney doortaan musharax wax uqaban kara, Farmaajo ayaana haysta taageerada ugu badan ee shacabka.