DHAGEYSO:- Senator Dufle oo hal Arrin ugu digay Dhalinyarada Wax baratay

0

Senator Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Ardayda Soomaaliyeed ee ka soo qalin jibineysay Jaamacadaha Dalka.

Waxa uu sheegay Dufle in ay muhiim tahay in Dalkooda ay joogaan aaminaana dalkooda kana shaqeystaan sida uu sheegay.

“ Waxaa Ceeb ah in adigoo ah Jaamaci wax bartay in aad Saxaraha ku dhimatay oo aad ka Cararto Dalkaaga iyo Waalidkii kugu soo daalay waana Ceeb iyo dabaalnimo ayuu yiri Dufle”.

Hoos ka Dhageyso Codka:-