DHAGEYSO:- Maamulka Gobolka Sh/Dhexe oo ku guuleystay inuu Heshiisiiyo Xoolo dhaqato isku dagaalay Tuulo ka mid ah Gobolkaasi

0

Maamulka Gobolka Sh/Dhexe ayaa ku guuleystay inuu Xaliyo dad Xoolo dhaqato ah oo Colaad ay ka dhaxeysay.

Dadkaan Xoolo dhaqatada ah ayaa maalmo ka hor isku rasaaseeyay Tuulada Birimo oo ka mid ah tuulooyinka Gobolka Sh/Dhexe.

Guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa ugu baaqay dadka Xoolo dhaqatada ah iney dagaalka joojiyaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo hormarinta degaanada Gobolka Sh/Dhexe.

Hoos ka Dhageyso Codka:-