DHAGEYSO:- Guddoomiye Najax “Al-Shabaab waan ka difaaceynaa Degaanadeena Afgooye”..

0

Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegeen Degaanadooda in ay ka difaacayaan ururka Al-shabaab, maadaama weerarada Shabaab maalmihii u dambeeyay ay ku soo badanayeen Degaanadaasi.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu ammaanay Ciidanka ammaanka qeybahooda kala duwan, maadaama ay ka hortageen weerar gaadmo ahaa oo Shabaab habeen ka hor ay ku soo qaadeen Degmada Afgooye.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha Shabaab in aysan ujeedo kale laheyn, marka laga reebo in ay cuuryaamiyaan, colaadiyaan shacabka Soomaaliyeed, taasina aysan u dulqaadan u dulqaadan doonin oo ay ka difaaci doonaan shacabka.

Ibraahim Aadan Cali (Najax) Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sidoo kale waxa uu sheegay mar walba Shabaab in ay isku dayaan in ay weerar ku soo qaadaan Degaanada Shabeelaha Hoose, balse ay ku jabaan, maadaama ay joogaan Ciidamo diyaarsan oo ka hortaga weeraradooda gaadmada ah.

Shabaab ayaa habeen ka hor weerar gaadmo ah waxa ay ku soo qaadeen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo in mudo ah ay kula dagaalamayeen Ciidanka Dowladda Federaalka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-