DHAGEYSO:- Culimada Somaliland oo ka digay halista kooxaha Xuutiyiinta

0

Culimada Somaliland ayaa waxa ay ka digeen halista uga imaan karta Somaliland kooxahaha xuutiyiinta Dalka Yaman, hadii ay ogolaato in saldhig Millatari uu Imaaraadka Carabta ka furto Magaalada Berbera.

Aadan Seeraar oo ka mid ah Culimada Somaliland ayaa saldhigan waxa uu ku tilmaamay in uu yahay mid lagu wiiqayo nabada iyo xasiloonida ka jirta Degaanada Somaliland.

Waxa uu sheegay hadii saldhigan la dhiso in Somaliland ay yeelan doonto cadow aysan hada laheyn, taasina aan loo baahneyn.

Maamulka Somaliland ayuu ugu baaqay in aysan fara gashan colaada caalamka ka jirta, isagoo taa bedelkeeda ku baaqay muhiim in ay tahay in laga wada shaqeeyo hormarka Soomaaliland.

Somaliland ayaa dhowaan heshiis la gashay Imaaraadka Carabta, kaasi oo ku saabsanaa in Imaaraadka carabta uu xarun Ciidan ka sameysto Magaalada Berbera, oo uu ka taliyo Maamulkaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-