DAAWO SAWIRADA:- Madaxweynaha la doortay ee Dalka Gambia oo lagu dhaariyay Caasimadda Senegal

0

Madaxweynaha la doortay ee dalka Gambia, Adama Barrow, ayaa waxaa gelinkii dambe ee Khamiistii lagu dhaariyay Safaaradda Gambia, ay ku leedahay Xarunta Senegal ee Magaalada Dakar.

Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobe, ayaa Adama Barrow u aqoonsaday Madaxweynaha sharciga ah ee la doortay, ka dib markii Madaxweynaha doorashada looga guuleystay Yahya Jammeh uu diiday in uu xilka wareejiyo.

Shan iyo tobanka xubnood ee Golaha Ammaanka, ayaa taageeray qaraar qabyo ahaa, oo ay soo diyaarisay Dowladda Senegal, iyadoona lagu cambaareeyay diidmada Yahya Jammeh.

Senegal waxay Golaha Ammaanka ka codsatay in ay meel mariyan qaraar qeexaya in Wadamada Afrikada Galbeed (ECOWAS), ay tallaabo ka qaadi karaan Xukuumadda Banjul, iyadoona uu Goluhu ansaxiyay.

Saraakiisha Militariga Senegal, ayaa durbaba sheegay in Ciidamada Senegal ay ka gudbeen xuduuda Senegal la wadaagto Gambia, si Madaxweynaha la doortay uga caawiyan in xilka uu si nabadgelyo ah ula wareego.

Dhanka kale Dowladda Nigeria, ayaa sheegtay in ciidan ka socda dalkeeda la geeyay Gambia, si ay u xaqiijiyan amniga dalka aadka u yar.

Arbacadii, ayaa waxaa Magaalada Banjul ee Caasimadda Gambia ka bilowday barakac ay samaynayan bulshada ku dhaqan, markii ay soo baxeen wararka sheegaya in ciidan xoogan la soo dhoobay xadka.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Gambia’s President-elect Adama Barrow is seen after his inauguration at Gambia’s embassy in Dakar, Senegal January 19, 2017. REUTERS/Thierry Gouegnon

Supporters of president-elect Adama Barrow celebrate his inauguration at Gambia’s embassy in Dakar, Senegal January 19, 2017. REUTERS/Thierry Gouegnon

Gambians take to the street in jubilations as Adama Barrow is sworn-in as President of Gambia in Banjul January 19, 2017 REUTERS/Afolabi Sotunde